DAAWO: Dagaal laga Cabsi qabo, Xiisada Somalia & Kenya & Wariye Ajnabi ah oo Sir kasoo Bandhigay Ciidanka DF

0

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay taagan tahay taasoo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Maleeshiyaad farabadan oo qaarkood wata Gaadiidka nooca Xamuulka qaada ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay gaareen deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Halkaan Hoose ka Daawo Faahfaahin ku saabsan Ciidamo Puntland oo la wareegay deegaano hoostaga Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag iyo Wararkii ugu Dambeeyay Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya iyo Wariye Ajnabi oo sir xoogan kasoo bandhigay Ciidanka Soomaaliya.