DAAWO: Cadadka lacagta uu Farmaajo bishii ka qaadan doono DF xilli uu dalbaday qaaraan

0

Waxaa isi-soo tareysa falcelinta lacagta loo uruurinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si guri loogu dhiso, waxaana baraha bulshada ka socda abaabul xoog leh oo ay wadaan taageerayaasha Farmaajo.

Waxaa lasoo bandhigay akoono iyo lambarro lagu uruurinayo lacagtaas, waxaana qaarkood iska leh shakhsiyaad gaar ah oo ka shaqey jiray xafiiskiisa, welina ku dhow dhow Farmaajo.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Madaxweyne kasta oo xukunka si nabad ah ku wareejiya wuxuu yeelanayaa miisaaniyad dhan $25 kun oo kharashaadka gurigiisa iyo ilaaladiisa ku baxaya ah iyo $8 kun oo mushaar ah bil kasta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO: