Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka carooday in Xamza Cabdi Barre loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intelligence.
Xamza, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Maxamed Zubeyr/Reer Cabdille, ayaa aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isla jufadaas kasoo heeda, sida lagu yiri warbixinta wargeyska.
“Sanado badan, Jubaland waxay noqotay goob ay gabaad ka helaan mucaaradka Soomaalida Ethiopia ee beel ahaan xiga Xamza iyo Axmed Madoobe.”
HALKAN HOOSE KA DAAWO: