Cumar Filish oo soo saaray go’aan uu kula wareegayo Isbitaalo ay leeyihiin wasiiro u dhaw RW Rooble

0

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxameds Cumar Filish ayaa magacaabay Guddi la wareega Isbitaalada Yardimeli iyo Jazeera.

Isbitaaladan ayaa ah kuwa ay leeyihiin wasiiro u dhaw Ra’isul Wasaare Rooble iyadoo khilaafkan uu soo baxay markii wasiir Dubbe uu damcay in maqaayadda Tiyaatarka uu ku wareejiyo shaqsiyaad u dhaw Farmaajo.

Waxaa qorshahan dabada ka riixaya xafiiska Farmaajo oo doonaya iney tashwiish ku furaan kiiska dacwadda ee laga gudbiyay Fahad Yaasiin kaa oo loo heysto dilka iyo afduubka Ikraan Tahliil

Afhayeenka Banaadir ayaa akhriyay magacyada guddiga

1- Maxamed Maxamuud Caddoow- Agaasimaha Caafimaadka Banaadir
2- Saynab Maxamuud Warsame – guddoomiyaha degmada Warta Nabadda
3- Mucaawiye Axmed Muudeey- Guddoomiyaha Xamar Jajab
4- Maxamed Axmed Cantoobo – Agaasimaha Arrimaha Bulshada
5- Cabdiqaadir Muxyadiin Axmed – Agaasimaha Qorsheynta
6- Cabdullaahi Muuse Axmed – Agaasimaha Hawlaha Guud
7- Mukhtaar Maxamed – Agaasimaha xiriirka degmooyinka
8- Saalax Xasan Cumar – Afhayeenka gobolka Banaadir

Isbitaaladan ayaa waxaa maamusha shirkad uu leeyahay wasiir ka mid ah xukuumadda Rooble, aadna ugu dhow Raisulwasaaraha.