Cumar Filish oo kulankii todobaadlaha ee G/Banaadir ka saarey gudoomiye degmo [Sababta]

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir Gudoomiyay Kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah Mid Todobaadla ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta horumarka caasimadda iyo islaxisaabtanka waxaana isugu yimid hogaanka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Degmooyinka.

Dhowr ajando ayaa Shirkani looga doodey oo ay kamid ahaayeen xoojinta Amniga, dhaqan galinta go’aankii duqa Muqdisho ee la xariiray dib u furista wadooyinka caasimada ee xiran, nadaafa, cayaaraha iyo canshuuraha.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay wakaaladda wararka ee Warqaad ayaa sheegaya in gudoomiye Cumar Filish uu kulanka ka saarey gudoomiye degmo kadib markii uu ku dhex-hadlay shirka, fasax la’aan.

Illo wareedyadeena ayaa sababa jira awadeed u codsaday in aanan la shaacin magaca gudoomiyaha iyo degmadiisa.

Sikastaba ha ahaatee, mas’uulka ayaa daqiiqado kadib waxa uu dib ugu soo laabtey shirka, waxaana loo sheegay in uusan talaabadaas oo kale mar ku noqon, hadii kale uu muteysan doono ciqaab intaas ka badan.