Cumar C/rashiid oo jawaab culus siiyey Sheekh Shariif kana digay in Farmaajo sameeyo…

0

Ra’iisal wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Sheekh Shariif Sheikh Axmad ay war geliyeen qaabkii is afgaradka ula galeen Dawlada Kenya 11 sano ka hor.

Mr Sharma’arke ayaa ka fal celiyey hadal uu xalay Shariifka kaga hadlay inuusan waxba ka ogeyn halka lagu saxiixay is afgaradkii lala galay Kenya sanadkaasi.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu galabta ku sheegay in Shariif uu wax ka ogaa go’aankii lagu ogolaaday Is afgaradkii lala galay,kaasoo wax ka bedelay kiiska dacwada Badda.

Sharmarke ayaa sheegay in qaabka uu uhadlay Shariif arinta is afgaradkii la galay 2009-kii ay dhabaha u xaari karto sida uu u inkiray arintaas ay berri wadada u furi karto in Madaxweyne Farmaajo uu isna dafiro in uu wax ka ogaa Kiiskii lagu dhiibay 2017-kii C/kiriin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo xilligaas lagu wareejiyey Dawlada Itoobiya inkastoo sanad kadib lasii daayey.