Home WARARKA COD: R/W Kheyre Sheekada Dhexmartay Cunugtii Yareyd & Wixii Uu Garoonka Ku...

COD: R/W Kheyre Sheekada Dhexmartay Cunugtii Yareyd & Wixii Uu Garoonka Ku Arkay

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta gelinkii dambe waxa uu Kormeer ku tegay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cusmaan oo Shaqooyinkiisii Caadiga ahaa ka socdeen.

Waxa uu tegay oo uu kormeer indho indheyn ah ugu tegay Qeybaha kala duwan Ee garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilligaas oo howlo kala duwan laga waday.

Xafiiska Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha,Qeybta Dadku ka baxaan Ee Aada Gobollada Dalka,Qeybta ay ka dhoofaan Dadka Dibada Safarada u ah,Qeybta Gaarka ah Ee Madaxda ka dhoofaan ayuu soo arkay R/wasaare Kheyre.

Waxa uu R/wasaaraha Qeybta Sugitaanka Dadka uu ku arkay Cunug yar oo labo jir ah sheegayna inuu ku faraxsan yahay in dalka oo nabad ah sidaan dadka uga dhoofayaan.

Waalidiinta Soomaaliyeed Ee Goobta joogay ayuu R/wasaaraha sidoo kale la sheekeystay una rajeeyey inay Safar nabad qab ah galaan meesha ay usocdaana alle nabad geeyo.

Maareeyaha Madaarka Caalamiga ah Ee Muqdisho Cabdi Ashkir Ayaa warbaahinta usheegay in Socdaalka R/wasaare Kheyre ugu yimid uu ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa u adeegida Bulshada Soomaaliyeed.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA:

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE