Ciidankii Jubbaland Ee Shalay Luuq Oo Maanta Qabsaday Xarumihii…

0

Ciidamadii Ka goostay Ee Shalay Arbacadii Maamulka Jubbaland ayaa waxay maanta la wareegeen Degmada Luuq Xarumihii ugu muhiimsanaa.

Waxa la sheegay in Ciidamadani oo ku biiray Dawlada Soomaaliya iyagoo shalay qabsaday Degmada Luuq Garoonkeeda.

Ciidamada La wareegay Maanta saldhiga,Xaruntii Canshuurta,Xaruntii Degmada iyagoo si cad u sheegay inay ka qeyb geli doonaan Xoreynta Deegaanada Shabaab kusugan yihiin.

Cabdi Maxamed Mahadaay oo ka mid ah Saraakisha horkaceysa ciidanka waxa uu sheegay in ay Dawlada Dalka oo dhan ay xukunto sidaasna ay ugu soo biireen.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin Ciidanka Daraawiishta ee dhankooda ka baxay Ee Dawlada ku biiray Ee Dooloow iyo Luuq kusugnaa Gobolka Gedo.