Ciidanka Mucaaradka oo taliska Booliska ku wareejiyay gaari ay la goosteen

0

Ciidanka Haramcad iyo Taliska Booliiska Gobalka  Banaadir ayaa si Wadajir ah dib ugu soo ceshaday gaarigii lala goostay ee Haramcad, kuna biiray Mucaaradka shalay.

Gaarigan waxaa shalay la goosta taliye ku xigeenka ciidanka Haramacad Captain Muumin kaa oo sidoo kale watay ciidan farabadan oo katirsan Haramacad.

Markii gaarigan iyo askarta ay ku biireen ciidamada mucaaradka ee ku sugan xaafadda Siigaaale, waxaa bilowday dhaqdhaqyo ciidan oo DF ay sameeneysay si ay ula soo wareegto gaarigii laga qabsaday.

Taliska Booliska Gobalka Banaadir ayaa xalay ciidan farabadan soo dhoobay laamiga Makka Al-Mukaraa iyo ilaa iyo sayidka si ay u weeraraan ciidamada Saadaq Joon oo ay ula soo noqdaan gaariga.

Waxaana xalay jirtay xaalad dagaal oo laga cabsi qabay iney qaraxdo kadib markii la xiray dhamaan goobihii ganacsi ee wadada Makka Al-Mukarama.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in soo celinta gaarigan ay qeyb weyn ka qaatay xafiiska Ra’isul Wasaaraha kaa oo lagu wareejiyay amniga doorashada,

Waxaa dhanka kale wali soo socda ciidamada DF ee ku biiraya mucaaradka iyadoo ay muuqato isu soo dhawaansho laga gaarayo arrimaha doorashada.

Muqdisho-Somalia