Home WARARKA Ciidanka Meliteriga Oo Xubno Shabaab Nolosha Ku Qabtay Wadada Udhaxeysa Jowhar ilaa...

Ciidanka Meliteriga Oo Xubno Shabaab Nolosha Ku Qabtay Wadada Udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad

0
SHARE

Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay howlgal ka sameeyeen wadada Udhaxeysa Jowhar ilaa Balcad Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa saraakiisha ciidamada ay Sheegeen inay faah faahin dib ka bixin doonaan balse ay hadda xaqiijinayaan in dagaalyahadaan ay Shabaab ka mid ahaayeen.

Balcad ilaa Jowhar waxay noqotay Naar Ka Bood oo Lagu weeraray dhowr mar Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiinta HirShabelle.

Waxay Taas keentay in Madaxda HirShabelle ay Diyaarad iskaga kala gooshaan Markii ay Muqdisho ilaa Jowhar usocdaalayaan.

Bishii Ramadaan Ee Sanadkii hore waxaa Lagu Dilay labo Xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka HirShabelle Deegaanka Ilbaq oo udhaxeeya,Balcad ilaa Deegaanka Qalimoow.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE