Ciidanka DF Oo la wareegay deegaano hor leh “50 AS oo la dilay”

0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay In ka badan 50 al shabaab ah lagu dilay hawlgalka maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Ciidanka Qaranka ayaana la wareegay deegaankaas  iyagoo halkaasi ka saaray Khawaarijta Al shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ku qaaday deegaankaas waxaana la gaarsiiyey Jab weyn, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta dawladda u xaqiijiyay in Howgalkaas cadowga lagu naafeeyay.

Howgalka Sifeynta ayaa wali socda,sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka horkaceysa waxaana al shabaab laga saaray deegaano badan gobollada dalka.