Ciidanka DF oo howlgal qorsheysan ku dilay 13-Xubin oo Al-Shabaab, Qaraxyana fashiliyay

0

Ciidanka  Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga  deegaanka bariire ee gobolka shabellada hoose waxaana la sheegay in ay ku soo qabteen qaraxyo ay Al-Shabaab ku diyaariyeen duleedka bariire.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgal lagu soo qabtay qaraxyo sidoo kale ay soo saareen qaraxyo ay Al-shabaab ku aaseen Tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire  ee gobolka shabellada hoose

Waxaa uu hdalkiisa intaasi ku daray Taliyaha in Howlgalka qaraxyada lagu soo qabtay ay Ciidamada ku dileen Xubno ka tirsan, kuwaasi oo uu sheegay in  ay gaarayaan 13 Xubnood.

Ciidamada Dowladda ayaa inta badan howlgallo ka fuliya degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab.