Ciidanka Danab oo loo daabulay Dhuuso mareeb si ay uga hortegaan Ahlusuna

0

Ciidamadii ugu Badnaa Dowladda Soomaaliya Oo maanta gaaray Dhusamareeb Si Ahlusunna Isaga Difaacaan.

Ciidamada kamaandooska Danab ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug halkaas oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan si Dhaq Dhaqaaaqa Ciidan Ee Ahlusunna uga hortagaan

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ilaa shalay waxaa buux dhaafiyay Ciidamada Kala duwan ee Dowladda kuwaas oo lagu arkaayo Gudaha iyo Daafaha Magaalada Dhuusamareeb

Howlgaladaan ciidamada Xoogga Dalka ay kawadaan magaalada Dhuusamareeb ayaa lasheegay in ay laxariiraan Ciidamo ka amar qaata Ahlusuna kuwaas oo shalay Saldhig Ciidan ka sameystay Deegaanka Bohol oo Qorraxsin waqooyiga kaga Beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Xogo soo baxay ayaa sheegaya in ciidamada Ahlusuna waljamaaca ay dib udoonayaan qabsashada Dhuuso mareeb,Guriceel & Matabaan.