Ciidan Hubkii Ugu Badnaa Watay Oo Si Gaadmo Ah Ku weeraray Al Shabaab

0

Howlgal Maanta oo isniin Ah laga fuliyey Deegaano Katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe,iyadoo warar dheeraad ah laga helay.

Waxa La sheegay in howl galkaan hogaaminayey Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada XDS. G/Sare Abshir Maxamuud Shataqeey waxaana Ciidanka Xoogga Dalka garab ka helayeeen ciidamada Amisom.

Waxeyna howlgaladaas ku tageen deegaanada Jaamacca, Mareereey, Mukaydheere oo dhamaantood hoos yimaado degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Intii howlgalkaasi socday ayeey ciidmada waxey gacanta kusoo dhigeen dhowr qofood oo looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Alshabaab oo maalmahaan ku dhuumaaleysanayey deegaanadaas,sida ay sheegeen.