Home WARARKA Ciidamadii Xasilinta Oo Weji Kale Iyagoo Leh Lagu Arkayo Caawa Muqdisho

Ciidamadii Xasilinta Oo Weji Kale Iyagoo Leh Lagu Arkayo Caawa Muqdisho

0
SHARE

Ciidankii NISA oo la magac baxay Xasilinta Ee Dhawaan laga xareeyey Muqdisho ayaa caawa ilaa galabta lagu arkay Waddooyinka Qaar.

Isgoysyada taleex,Dabka iyo KM4 ayaa lagu arkayaa Ciidankaasi oo Shaar Booliska loo soo xiray.

Waxa Markii lagu Xareeyey Ciidankaasi Daarta Xisbiga Ee Ku dhegan Garoonka Kubada Cagta Stadio Muqdisho.

In lasoo celiyo Ciidankaasi Xasilinta ka mid ahaa waxaa codsaday Taliyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir loosoo magacaabay Booliska Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Wararka ayaa sheegaya in Shaarka ay xidhan yihiin Ciidankaasi Xasilinta ka mid ahaa mid boolis ah oo gaadiidkana weydiinaya Su’aalo kooban.

Tan iyo markii Xasilinta laga xareeyey Muqdisho waxa sii kordhay falal Amni daro,Isbuucaan Qarax ka dhacay Somali Coffee Maqaaxida la yiraahdo Muqdisho shan qof ayaa dhintay kudhawaad 10 Qofna waa la dilay siyaabo qorsheysnaa oo shabaabkuna ay sheegteen weeraradaasi.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE