Ciidamadii ka gadooday muddo kororsiga oo dib u laabtay

0

Ciidamadii Militeriga  ee ka gadooday muddo kororsiga kuwaa oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa ayaa dib ugu laabtay furumihii dagaalka.

Ciidamadan oo ka soo baxay Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale taageersan madaxweynayasashii hore  ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheek Maxamuud.

In Ciidamadan ay  dib ugu laabtaan goobihii ay ka imaadeen ayaa ka dambeysa markii Farmaajo uu ka laabtay Labadii Sano ee uu ku darsaday.

Sidoo kale waxaa heshiis kala saxiixday mucaaradka iyo xukuumadda Soomaaliya iyagoo isku raacay in ciidamada aan siyaasad loo adeegsan islamarkaana mushaarkooda ay heli doonaan.