Ciidamadii DFS geysay Dhuusamareeb oo bilaabay fal laga nacay Muqdisho

0

Ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay geysan caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa magaaladaas ka bilaabay fal ay dhibsadeen shacabka Muqdisho.

Ficilkaasi ayaa waxa uu yahay in ay bilaabeen xiritaana wadooyinka iyo caro-tuur badan oo ay ku sameynayan jidadka.

Illo wareedyo degaanka ah ayaa u sheegay Wakaaladda wararka Warqaad in meelaha ay ciidamada xireen ay kamid yihiin jidadka soo gala Madaxtooyada iyo halka uu ka socda shirka dib u heshiisiinta.

Dadka ayaa tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysay oo wadooyinka magaaladaas la xiro, isla markaana ciid lagu tuuro.

Sikastaba ha ahaatee, dhacdadan oo noqoneysaa mid dhif iyo naadir ah ayaa abuurtay hadalheyn xoog leh, waxaana aanan la ogayn, hadii ay tahay mid sii socon doonta ama in kale.