Ciidamada Kenya oo qarax lala eegtay iyo afayeenka oo ka hadlay khasaaraha gaaray

0

Afhayeenka ciidanka Kenya Col Esther Wanjiku oo la hadlay  warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay qarax askarka tirsan Kenya lagula eegtay  Magaalada Lamu ee dalka Kenya

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka uu la haleelay ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka fuliyeen deegaanada ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya, kaasi oo inta badan lala eeganayay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili maxkamadda ICJ ay xukmisay in Soomaaliya ay leedahay dhulka ay muranka gelisay ee Soomaaliya laheyd.

Ururka Al shabaab ayaa sidan oo kale dhowr jeer qaraxyo kula eegtay xadka Soomaaliya iyo Kenya askarta Kenytatiga ah waxaase xusid mudan iney jiraan dad shacab ah oo diyaaradaha Kenya ay xasuuqaan xiliyada qaar ee qaraxa ay la eegtaan Al shabaab.

Muqdisho-Somalia