Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku gaaracay duleedka magaalada Baydhabo+sababta ka dambeysa

0

Wararka laga helayo Koofurta magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin  halkaas.

Weerarkan madaafiicda ah oo xalay dhacay ayaa waxey si gaar ah ciidamada Itoobiya ugu garaaceen deegaanka Gooyaale ee Koofur kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobalka Baay xili halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalameyaal badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa la soo sheegayaa in tiro dagaalamayaal ah oo  katirsan Al shabaab iney weerarka wax ku noqdeen balse lama hayo wali ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaara gaaray.

Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya eek u sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shalay ayay aheyd markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga uu dagaal culus uu ku dhexmaray deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay kaa oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Muqdisho-Somalia