Ciidamada Itoobiya oo la wareegay qeybo katirsan Gobolka Gedo

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo itoobiyaan ah la wareegeen,iyadoo warar kala duwan soo baxayaan.

Dawlada Itoobiya ayaa ciidankeeda waxay la wareegeen garoonka diyaaradaha dooloow,lamana oga sababta ka dambeysay arintaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay dooloow ay kumanaan askari yihiin,waxaana cabsi ay soo wajahday dadka ku dhaqan halkaasi.

Tani ayaa sii kordhineysaa shakiga laga qabay xiisada udhaxeysa Labada Dawladood ee soomaaliya iyo itoobiya,waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan itoobiya ka wadaan gudaha soomaaliya.

Maamulka degmada dooloow ee gobolka gedo waa ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyaan xogtaan sheegeysa in ciidamada itoobiya la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Wixii soo kordha dib kala socda insha allaah