Ciidamada gaarka ah ee Danab oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay Duleedka Kismaayo

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran DANAB ee ka tirsan xoogga dalka ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo, iyagoo weeraray goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada DANAB ayaa howlgalka ka fuliyay deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, waxaana ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta Ururka labaad ee ciidanka DANAB ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegay in ciidanka ku sugan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalka, isla markaana weerareen deegaanka Araare.

Waxaa uu xusay in aanay jirin wax khasaare soo gaaray, isla markaana howlgalka uu ka dambeeyay markii ay heleen Xog sirdoon.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter

Ciidamada DANAB oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana howlgaladaas oo ah kuwo bartilmaameed ah lagu qaadaa saldhigyada iyo xarumaha Shabaabka ku leeyihiin Gobolada.