Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al shabaab kala wareegay…

0

Ciidamada Dawladda iyo Kuwa xoraynta Shacabka ee deegaano ka tirsan gobalka Galguduud kala wareeegay khawaarijta Alshabaab.

 

Hawlgal balaaran oo saaka alaseey ka bilawday deegaano ku yaalla dhanka bari ee Baxdo ayaa gacanta khawaarijta looga saaray deegaano ay ka mid yihiin, Maygaag Duub,Dhisaqa , Abooreey iyo kuwa kale.

 

Ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka ee iskaashanaya ayaa kusii siqaya goobo kale oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

 

Hawlgalka saaka waxaa qayb wayn ka qaadanaynaa dhacabka deegaanka iyo culumada degmada Baxdo.

 

Ciidamada Xoogga, nabad-suggidda Qaranka iyo daraawiishta Galmudug ayaa qayb ka ah hawlgalkaan.