Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan ururka 7-aad guutada 16-aad kumandooska danab ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda al-shabab ka sameeyey degaanka saban sabley, Muqla Axmed, Gal-gafow, oo u dhexeyso degaanka Cel Cali Axmad, iyo Degmada Galcad ee gobolka Gal-gaduud
ciidanka ayaa intiii howlgalka socday soo saaray miinooyin malesheyiyaada Khawaarijta ay ku aaseen wadooyinka dadka shacabka isticmalaan.
sida uu idaacada ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyay taliye ku xigenka Ururka 7aad Guutada 16aad kumaandooska Xds ee Danab laba xidigle Maxamed Xassan Abukar oo hogaaminayay howlgalka
Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalada lagu cirib tirayo al-shabab ee ka soconaya gobolada dalka