Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa digniin u dirag ganacsatada qaatada Amarada Al-shabaab iyo dadka u raadsada Garsoorka.
Gudoomiyaha ayaa xusay iney dambi tahay in shabaab oo sii liicaya loo hogaasamo awaamiirtooda islamarkaana garsoor loo doonto.
“Albaabkii ganacsi ee lagu xiro Amarka Al-shabaab, dib looma furi doona sidoo kale qof Al-shabaab u garsoor u raadsaday Muqdisho kuma soo laaban doono.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa xusid mudan in Shabaab ay cashuuraan ganacsiyada waaweyn ee Muqdisho iyo waliba dekadda iyo garoonka Aadan Cadde iyagoo dadka dil ugu hanjab.
Muqdisho-Somalia