CC Shakuur oo kashifay cidda DFS ku garab-siineysa cadaadiska Jubbaland iyo mucaarad

0

Xisbiga uu horkacayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah oo culus kasoo saarey xayiraadii Sheekh Shariif ayaa wuxuu tilmaamay in uu si adag u cambaareynayo, isla markaana uu ka xun-yahay.

War-saxaafadeed xisbigu soo saarey oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Warqaad ayaa waxaa lagu shaaciyey in dowladda federaalka ay taageero dadban ka haysato howlgalka AMISOM iyo Beesha Caalamka.

Bayaanka ayaa lagu taageeray soo jeedin dhinacyo kala duwan ka timid oo ku aadan qabashadda shir-wayne heer qaran ah, kaasoo looga arrin-sanayo xaaladda uu haatan dalku u sugan yahay, sidda ay sheegeen.

Xukuumadda federaalka ah ayaa waxa uu warka qoraalka ah ku eedeeyay in ay daciifnimo iyo taag-darri u qaadatay dulqaadka iyo tanaasulka ay u muujinayaa xubnaha mucaaradka ah ee ka aragtidda.

Hoos ka akhriso qoraalka