Sanadihii ugu dembeeyay mashaakilka siyaasiga ah ee Soomaaliya ka jiray waxaa qeyb weyn kuleh dalalka Carabta, gaar ahaan Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar. Soomaaliya ayaa dhibbane u noqotay hardan waddamadaasi Carbeed u dhexeeya. Imaaraadka oo ay wehliyaan Sacuudiga, Masar iyo dhowr dal oo kale waxay aad isugu howlayeen in madaxda Soomaaliyeed [Dowladda madaxweyne Farmaajo] laga fur-furo Qatar iyo Turkiga oo uu loolan adag kala dhexeeyo.
Siyaasadda arrimaha dibadda iyo diblumaasiyadda qaranka ayuu loolankan saameeyay, sidoo kale, waxaa khilaafaad laga dhex abuuray madaxda dowladda & hoggaanka maamul Goboleedyada, iyadoo waddamadaasi adeegsanayaan qarashaad xooggan. Mararka qaar waxaaba suuragal ah in sirdoonnada Carabta ay marxaladdaan ka qaadan karaan dowr weyn.
Loolanka u dhexeeya Carabta oo gadaal uga xiran dalal waaweyn oo reer Galbeed, aasiya iyo Bari-ba leh, waxa uu sidoo kale u tallaabay qaar kamid ah dalalka mandiqadda geeska Afrika dhaca oo ay Ethiopia ugu horreyso.
Soomaaliya weligeedba waddamada Carabta dhibaato ayey ku qabtay!
Sida ku cad taariikhda waxay Soomaaliya ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta 14-dii, bishiiFebruary, 1974-dii. Xilligaas waxaa dalka maamulayay dowladdii militariga ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, seddex sano kadib, waxay Soomaaliya dagaal la gashay Ethiopia oo taageero ka heleysay Ruushka iyo gaashaan-buurtiisii WARSAW. Inkasta oo Xukuumadda Muqdisho dagaalkaasi bilowgii hore guulo ka keentay, haddana, waxaa kasoo gaaray jab fool-xun oo ugu dembeyn dowladdii u bur-burtay.
Shir sanadkii 1977-dii Ururka Jaamacadda Carabta ay isugu yimaadeen ayaa waxay uga hadleen dagaalka Soomaaliya ku jirtay, bayaan kulankaas kasoo baxay ayey Carabtu ku sheegeen iney dhex-dhexaad ka yihiin dagaalka, Soomaaliyana wada-hadal wax ku raadiso. Dowladdii Siyaad Barre oo xilligaas ay u deyriyeen Mareykanka iyo Ruushka, hadalka Carabta waxa uu ku noqday filan waa’!. Goorta uu soo baxayay go’aanka Jaamacadda Carabta Ciidamada Soomaaliya waxay dul fadhiyeen magaalada Herer.
Marka taariikhdaasi dib loo akhriyo, Dowladda Soomaaliyeed waxaa ugu jiro casharro badan oo u baahan in si miyir qab ah loo darso. Hadda uu dalku ku jiro marxalad adag dowladaha Carbeed waxay markan ka raadinayaan fursado iyaga u dan ah, balse Soomaalidu ku dhiig baxayaan.
•Imaaraadku waxa uu doonayaa in Qatar laga jaro Soomaaliya, laakiin, wax dan ah kama laha Soomaalida, inkasta uu rabo in dhaqaale ahaan aysan Muqdisho kor u kicin, waxa uu sidoo kale kala dagaalayaa Soomaaliya in dekadaha la hormariyo, si arrintaasi suuqyadiisa u taaban.
•Qatar danta qura oo ay Soomaaliya ugu dhegantahay waa iney ka dhigato gaashaan buur siyaasadeed, marinka hawada dalkana ay diyaaradaheedu ku baxsadaan, sidoo kalana u noqoto irid ay ka gasho geeska Afrika, ma jiraan Soomaaliya muhiimad weyn oo ay Xukuumadda Dooxa ugu fadhiso, marka lala bar-bar dhigo Imaaraadka oo aad muhiim noogu ah.
•Masar waxaa Ethiopia kala dhexeeya muranka biyaha Nile, Soomaaliya waxay u aragtaa iney muhiim u tahay iney garab ka hesho. Qaahira iyo Muqdisho waxaa ka dhexeeya xiriir fog taariikh ahaan, xilligii Soomaaliya iyo Itoobiya dagaallamayeen, Qaahira gurmad ayaa laga helay.
Dowladda Soomaaliya [taliska Farmaajo] hadda xiriirka uu la leeyahay Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga aad ayuu u hooseeyaa, laakiin uma muuqato mid loo fiiriyay dan Qaran ee waa mid lagu dhisay dan gaar u ah taliska hadda jooga. Soomaaliya siyaasadda arrimaha dibadda waa in lagu dhiso dan jirta iyo taariikh hore labadaba.
W/Q:- Abdiaziz Barrow