Cali yare cali oo si la fileyn uga hadlay weerarkii shalay xarunta G/banaadir

0

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir Cali Yare Cali ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii shalay kooxda al shabaab ku qaaday Xarunta dawladda Hoose Ee Xamar.

Cali Yare ayaa ku tilmaamay midkii ugu weynaa ay al shabaab ku fashilmeen inta ay xarun dawladeed beegsadeen gudaha Muqdisho.

Maanta ayuu kormeer ku tegay cali yare xarunta gobolka banaadir isagoo bogaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee la qabtay bad baadinta shaqaalaha gobolka kusugnaa.

Waxa uu sheegay in jab weyn la gaarsiiyey argagaxisada al shabaab sidaa awgeedna ay ku guuldareysteen weerarkii ay shalay kusoo qaadeen xarunta dawladda hoose ee Xamar.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA