Cali Guudlaawe oo war ka soo saaray doorashooyinka Golaha shacabka ee laga sugayo inuu bilaabo

0

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ballanqaaday in Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad qaybta lagu dooranayo Hir-Shabeelle si cadaalad ah oo ay musharixiinta u wada siman yihiin ay u dhici doonto.

Cali Guudlaawe oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in howlo shaqo uu caasimadda u joogo balse dib uu ugu laaban doonno Jowhar oo ah Caasimadda DG Hir-Shabeelle laguna qabanayo doorashada kuraasta Golaha Shacabka intooda badan.

“Hir-Shabeelle Doorashadii ka dhacday ee Aqalka Sare waxa ay ku dhacday si cadaalad ah, waxa aan rajeyneynaa in tan Golaha Shacabka ay u dhici doonto si loo siman yahan oo cadaalad ah” Sidaasi waxaa yiri Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu kula kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, Madaxda Federaalka, Musharixiinta, Siyaasiyiin & dhinacyo kala duwan oo xooggooda uu kala hadlayo Doorashada Golaha Shacabka.

Muqdisho-Somalia