Tobanaan jeer iyo xilliyo soo noqnoqday ayey dawlad goboleedka Puntland baahisay warar ku saabsan guulaha ay ciidankoodu ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka ah Alshabab. Xilli isu dhow oo saddex asbuuc ah, oo u dhexeeyey asbuucii u danbeeyey ee bishii Maayo iyo bartamihii bishii juun, ciidamada ammaanka ee Puntland waxay laba goor sheegeen inay hub tiro badan ka qabteen Alshabaab.
Hase ahaatee, laga soo bilaabo markii Siciid Cabdullahi Deni loo doortay madaxweynaha Puntland ku dhowaad laba sano iyo bar ka hor, alshabaab waxay fuliyeen weeraradii iyo shirqooladii ugu dhiirranaa ee ka dhanka ahaa saraakiisha sarsare iyo xarumaha dawladeed ee Puntland. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah weerarkii Xabsiga gaalshire ee magaalada Boosaaso ee sannadkii 2021, iyo labadii shirqool ee lagu khaarajiyey labadii guddoomiye gobol ee Mudug iyo Nugaal, iyo sidoo kale dilkii maamulhii DP World u joogay dekedda Boosaaso sannadkii 2019.
Maadaama ay iska hor imanayso sheegashada dawladda ee ku aaddan inay guul ka gaartay Alshabab iyo khatarta sii kordhaysa ee ka imanaysa Alshabab dadku waxay isweydiinayaan su’aalo. Maxaa is bedelay, maxay se wax walba ugu dhacayaan sidii hore.
Anagoo tan ka jawaabayna, waxaan dul istaagaynaa magaca wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland oo si aan habboonayn loo buunbuuniyey. Inta aanu noqon wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (reer Norway ah), loona garan og yahay Maxamed Cabdiraxmaan Warsame “Dhabanacad” (Soomaali) waxaa jira taariikho ku duugan magaciisan.
Markii uu ahaa shaqaale maxalli ah oo la shaqeeya UNOCHA iyo ururo gargaarka qaabilsan oo kale, Cabdiraxmaan Axmed Warsame “Dhabanacad” sida la soo sheegay wuxuu xiriir toos ah la yeeshay saraakiil sarsare oo ka tirsan Amniyaatka Alshabaab.
Bishii November 2018, Dhabanacad wuxuu fududeeyeyshir u dhexeeyey odayaasha reer Gaalkacyo iyo Alshabaab oo ka dhacay Jilib, oo ah meesha ay ku xooggan yihiin Shabaabku. Shirkaasi Alshabaab waxay ugu digtay odayaasha reer Gaalkacyo inay joojiyaan cambaaraynta Alshabaab iyo sidoo kale inay joojiyaan taageerada dadweyne ee ay u muujiyaan dawladda Puntland.
Markii 2019-kii Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni la kulmayey odayaasha reer Gaalkacyo isla markaana ku cambaaraynayey inay ka cabsanayaan Alshabaab ayna ka gaabsanayaan inay dhaleeceeyaan, odayaashu wey ku gacansayreen eeddaasi. Is-difaacoodii,odayaashu sida la soo weriyey waxay Deni u sheegeen in aanay ka baqayn Alshabaab laakiin qofka ay sida weyn uga baqayaan uu yahay wasiirkiisa arrimaha gudaha, kaasi oo ah hawl-fududeeyaha ugu weyn ee Alshabaab. Waxay Deni u sheegeen in aanay doonayn inay la kulmaan ama wax wada-shaqayn ah la yeeshaan wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland.
Kadib eeddii odayaasha Deni wuxuu culays saaray Dhabanacad isagoo ka dalbaday inuu meel ka istaago xiriirka Alshabaab ama is-caddeeyo. Sidaa awgeed, Dhabanacad wuxuu jaray xiriirkii iyo wada-shaqayntii uu lalahaa Alshabaab. Markii waqti ka soo wareegay Alshabaab waxay khaarijiyeen guddoomiyayaashii gobolada Mudug iyo Nugaal oo ku kala geeriyooday Garoowe iyo Gaalkacyo, Dhabanacad na isagoo ogsoon cawaaqibka ku iman kara wuxuu soo celiyey xiriirkii, wada-shaqayntii iyo fududayntii Alshabaab.
Inta aanu noqon wasiirka, Dhabanacad waxaa looga shakisanaa inuu qayb ka haa dadkii huriyey colaaddii iyo rabshadihii u dhexeeyey beelaha reer Puntland ee Gaalkacyo iyo colaadihii kale ee beelaha waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo. Haddaba iyadoo ay soo bexeen caddaymahan ku saabsan xiriirka uu la leeyahay Alshabaab, waxaa suuragal ah inuu ku shaqaynayey awaamiirta Alshabaab maadaama Alshabaab lagu yaqaan inay khilaaf kala dhex-dhigaan beelaha taas oo ah istaraatiijiyadooda sii-jiridda.
Xiriirka Dhabanacad ee Alshabaab waa mid qoto dheer mana aha wax hadda soo baxay ama isku soo beegmay maxaa yeelay xiriirka uu la leeyahay sarkaalka ugu sarreeya Amniyaatka Alshabaab ee Maxamed Nuur Jaamac ee loo garan og yahay Bin Maxamed, waxa uu soo bilaabmay 30 sano ka hor. Bin Maxamed waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Amniyaatka Alshabaab ee Dhabanacad magaalada Jilib kula kulansiiyey odayaasha reer Gaalkacyo 2018.
Waa nasiibdarro in xiriiradan noocan oo kale ah ay weli ka sii jiraan dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka taasi oo ka dhigaysa dagaalka ka dhanka ah Alshabaabmid mid adag oo qalafsan. Maamuladaan waxaa ka mid ah xubno hore iyo kuwo hadda ah ka tirsan Alshabaab, dadkaasi waa hoggaamiyayaal iyo fududeeyayaal.
Dad kooban ayaa ka soo baxsaday Alshabaab iyago ku yimi barnaamijka soo xeraynta. Inta ugu badan si cad looma oga inay xubno ka ahaayeen Alshabaab isla markaana kaalimo siyaasadeed, maamul iyo amni ku leeyihiin Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
Waa wax argagax leh in maanta kuwa ugu khatarta badan denbiilayaasha Alshabaab aanay ahayn kuwa baxsadka ah ee lagu garaacayo hoobiyayaasha iyo duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Kuwa ugu khatarta badan xubnaha Alshabaab iyo caawiyayaashoodu waa kuwa ku jira xafiisyada qaboojiyaasha leh, ku socda baabuurta aan xabbaddu karin ee kuna nool guryaha sida weyn loo waardiyeeyo ee magaalooyinka waaweyn. Qaar ka mid ah ayaa deganaansho ka helay magaalooyinka Yurub isla markaana haysta oggolaanshaha degaan ama baasaboor ee Yurub.
Waa nasiibdarro in xubno si weyn ugu xirnaa Alshabaab oo horay loo qabtay ama isu soo dhiibay aanay maanta ku jirin xabsiyada. Kuwa keliya ee xabsiyada ku jiray ama la dilay kaddib xiritaankooda waa dadka caadiga ah ee aan lahayn magacyo waaweyn oo ka danbeeya ama qaraabo iyo xigaalo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ma aha oo keliya nin ku dhex jira xaalladan aan ka soo sheekaynay laakiin waa cadaw ku jira hay’adaha dawladda oo aan lala xisaabtamayn waana arrin walaaceeda leh. Haddaba marka la eego arrintan, laguma kadsoomi karo dhiiraranaanta Deni ee ka dhanka ah Alshabaab
Wariye: Caydiid Guuleed
Muqdisho-Soomaaliya