Cabsi xoogan oo jirta kadib Libaax lagu arkay deegaano katirsan Soomaaliland

0

Dadka ku dhaqan Degmada Sheekh iyo Nawaaxigeeda maamulka Soomaaliland ayey soo food saartay caawa cabsi xoogan kadib markii habeenadii Udambeeyay deeganadaasi lagu arkay libaax.

Shanqarta codka Libaaxaan soo galay Deegaankaasi Oo shakhsiyaad la rumeystay Arkeen ayaa sheegay inuu libaaxani Soconaya xiliyada habeenkii ah.

Xayawaanka Libaax ayaa wakhti hore ka dabar go’ay deegaamada Somaliland waxaase uu ku Badan yahay wadamada deriska ay Itoobiya ugu Horeyso waxaana laga yaabaa in halkaas uu Kasoo talaabay.

Meelaha Libaax lagu arkay ayaa lagu sheegay Dhadhin-tuugo iyo Afweyne oo ah deegaanada hoostaga magaalada Sheekh ah.