Cabsi weyn oo soo food saartay Soomaalida kadib dayax gacameed ka fakaday Shiinaha

0

Cabsi weyn ayaa ka jirta Dunida kaddib marki Dowladda Shiinaha uu ka fakaday Gantaal noociisu yahay kuwa xambaara Dayax-gacmeedyada.

Gantaalka oo dhan 20-Tan ayey ahayd in uu ku dhaco Badweynta Hindiya balse waxaa lumay hannaankii loo Kantarlooyey.

Shalay waxaa lagu arkay isagoo dul heehaabaya dalka Masar, halka maanta Dowladda Suudaan ay sheegtay in uu u soo dhaafay dalka Itoobiya.

Gantaalka oo la sheegay in uu ku soconayey xawaare dhan 28,000KM/H, magaciisuna yahay Long March-50 ayaa laga cabsi qabaa in uu ku dhaco magaalo ka tirsan Afrika, taas oo sababaysa dhibaato aad u ballaaran.

Gantaalkan ayaa laga cabsi qabaa inuu Soomaaliya ku soo dhaco maadama aysan jirin qalab casri ah oo lagu ogaan karo inuu dalka ku soo wajahanyahay.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada oo Soomaali ah ayaa aad uga falceliyay arrintan iyagoo sheegay iney ka cabsi qabaan inuu Soomaaliya ku soo dhaco.

Muqdisho-Somalia