Home WARARKA Cabdifitaax Cali Xoosh Oo Si Arxan Daro Ah Loogu Dilay Maanta Duhurnimadii...

Cabdifitaax Cali Xoosh Oo Si Arxan Daro Ah Loogu Dilay Maanta Duhurnimadii Caasimada Dalka Koonfur Africa

0
SHARE

Koox Hubeysan ayaa waxay maanta duhurnimadii ku toogteen Magaalada Caasimada U ah Dalka Koonfur Africa Ee Pretoria Muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh waxaana uu ka mid ahaa Ganacsatada Dukaamada kulahaa Pretoria.

Meel kudhaw Xaafada isku raranta ah Ee Mamalodi ayaana dilka uu ka dhacay,iyadoo Gacan ku dhiiglayaasha ay baxsadeen kadib dilka.

Dad Soomaali ah oo kusoo baxay Shilkaan waxay sheegeen inay jirto dhac ay geysteen Kooxda Dilka kadib,inkastoo laamaha amniga aysan weli wax war ah soo saarin.

Ciidamada Booliska Deegaankaasi ayaa tegay goobta kuwaasi oo qoraalo ka sameeyey halka ay wax ka dhaceen,waxaana dilka Cabdifitaax Cali Xoosh uu kusoo aadayaa xilli dhowr cisho ka hor Lagu Dilay Magaalada Cape Town Ganacsade Soomaali ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Muxuyadiin.

Dhowr jeer oo hore ayey Dawlada Soomaaliya Kala hadashay Dhigeeda Koonfur Africa joojinta Dilka iyo Dhaca lagu hayo Soomaalida dalkeeda Maal gashaday Ee Ganacsiga ku heysta,balse taas ay noqotay mid dhag jalaq aan loo siin baaqaasi.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE