Cabdi Xaashi Oo Amar Siiyey Ra’iisal Wasaare Rooble (AKHRI DIGREETO)

0

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa weli sii wada mucaaradnimada uu kaga hor imaanayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu Cabdi Xaashi diidan yahay Hanaanka loo maray Xubnaha Loo magacaabay Guddiga doorashada Deegaanada Gobollada Wuqooyi Xildhibaanada ka imaanaya soo xuli doona.

Maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 21 November 2020 ayuu Digreeto uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ku magacaabay 8 Xubnood oo ah Shakhsiyaadka uu sheegay inay yihiin Guddiga Doorashada Uga mid noqonaya Heer Federaal Ee soo xulaya Xildhibaanada Gobollada Wuqooyi Kasoo gelaya Dawlada Soomaaliya.

8 Xubnood uu Cabdi Xaashi Magacaabay Labo Kamid ah Waa Dumar iyadoo uu sheegay in dhegaha laga fureystay Baaqiisii uuna RW Rooble dad uuna ogeyn guddiga umagacaabay.