Home WARARKA C/Qeybdiid oo Aqalka Sare u gudbiyay Dacwad la xariirta Weerarkii lagu aaday...

C/Qeybdiid oo Aqalka Sare u gudbiyay Dacwad la xariirta Weerarkii lagu aaday Gurigiisa & Imaaraadka oo…

0
SHARE

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa goordhow waxaa uu dacwad u gudbiyay aqalka sare taas oo ku saabsan weerarkii dhawaan gurigiisa lagu qaaday.

Kalfadhiga aqalka sare ee maanta ayaa looga doodayaa go’aankii ay baarlamaanka aqalka hoose dalka uga mamnuuceen Hay’ada DP World.

Laakiin, C/Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulanka ka istaagay ayaa sheegay inuu dacwad ka yahay ciidamadii imaaraadka ee dhawaan weeraray gurigiisa.

“Waxaan halkaan kasoo gudbinayaa dacwad ka dhan ah ciidamadii dhawaan weeraray gurigeyga”ayuu yiri Xildhibaan C.Xasan Cawaale Qeybdiid.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha dhaliyay weerarkii gurigiisa lagu qaaday ayuu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.

60 maalin kadib weerarkii gurigiisa loo geystay, ayaysan dowlada Soomaaliya wax war ah kasoo saarin baaritaanka weerarkaas.

Xildhibaanada kale ee aqalka sare ayaa taageeray go’aanka C/qeybdiid, waxaana ay sheegeen iney waajib tahay in dowladu cadeyso sababtii weerarkaas

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE