C/maalik coldoon oo xabsiga uu ku xiran yahay fariin farxad ah kasoo diray

0

Cabdiqaadir Cisman Dubad  oo ah C/maalik Muuse Coldoon saaxiibkiis oo maanta Coldoon xabsiga uu ku xiran yahay ku booqday ayaa soo daabacay qoraal kusaabsan hadalka Coldoon waxaana uu udhignaa sidatan:

Coldoon oo aan maanta ku booqday Jeelka Hargeysa  oo aan u sheegay warka sheegaya  in uu islaamay Jonathan Starr aasaasihii Dugsiga Abaarso ayaa yidhi :”Waan soo dhawaynayaa waanan ku faraxsanahay warka sheegaya in Jonathan Starr qaatay diinta islaamka, waana ilaahay mahaddii.

Maanta aniga iyo isaguba waxa aanu noqonay walaalo islaam oo kalgac iyo hiil ka dhexeeyo, Waxa aanu noqonay labo qof oo hal kitaab ka dhexeeyo kana midaysan yoolka laga leeyahay ardayga la soo saarayo nooca uu noqon doono mustaqablka.

Wixii hadda ka dambeeyana walaalkeen Jonathan Starr Islaamnimadiisa waa in laga arkaa oo ay ka muuqataa shabakadda abaarso ee uu mulkiilaha ka yahay. Marka ugu horeeya ee aan soo boxo waxa aan booqan doonaa dugsiga Abaarso, dugsiga Kaabe iyo jaamacadda Barwaaqo ee shabakadda Abaarso insha Allaah.

Waxa aan soo jeedinayaa oo ku baaqayaa in walaalkaa cusub la soo dhaweeyo oo la garab istaago oo la tuso waxa ay tahay walaalnimada islaamku”

C/maalik coldoon ayaa xabsiga ugalay ka hadalka dugsiga Abaarso uu hore ushaaciyey in diinta kirishtaanka lagu baro dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata,balse shalay aas aasihiii dugsiga Abaarso ayaa diinta islaamka qaatay dad badan ayaana soo dhaweeyey inuu muslimay ninkaasi.