C/kiriin Guuleed Oo Kashifay Guuldarada Villa Soomaaliya Ku Dhacday

0

Madaxweynihii hore Ee Maamulka Galmudug Cabdi Kiriin Xuseen Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay soo dhaweyntiisii Seddex sano iyobar kadib uu kusoo laabtay Muqdisho.

Waxa uu mahad celintiisa dadkii soo dhaweeyey Shacab iyo Mas’uuliyiin iskugu jiray kadib uu ka hadlay Marxalada Dalka uu kusugan yahay.

C/kiriin Guuleed oo ah Gudoomiyaha Xisbi siyaasadeedka SAHAN ayaa sheegay in Dawlada Madaxweyne Farmaajo iyo dawladiisa ay ku fashilmeen sugida Amniga Dalka.

Waxa uu sheegay in Garsoor Xumada Laamaha Cadaalada Dalka ay sabab ka dhigtay in Dadka u garsoor aadaan Deegaanada Al Shabaab ka taliyaan.

Qaadista Al Shabaab Canshuurta Dadka Ganacsatada Ee Alaabaha kala soo dega Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekada Xamar.