3 Qodob oo Farmaajo looga hor istaagi karo inuu dalka ku qabsado Inqilaab

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa ka hadlay ciidamada uu Farmaajo u isticmaalayo siyaasadda kuwaa oo 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayay iney amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

Waxa uu sidoo kale sheegay siyaasiga in kaliya Saddex Qodob logu hor istaagi karo Farmaajo maadama Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu diyaar ula yahay Muddo kororsi Laba sano ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Farmaajo ciidankii 10-kii sano ee la soo dhaafay loo diyaarinayey in uu AMISOM masuuliyadda amniga dalka kala wareego, hubkii iyo agabkii loogu tala galay in argagaxesida la isaga dhiciyo ayuu maalin cad, madaxdii dalka iyo Dowlad Goboleedyada kula duulay. Wuxuu doonayaa waa doorasho uu ciidankaas ku dhaco, haddii aan la yeelinna labo sano uu Mursal ula diyaar yahay, ciddii diiddana ay tahay cadaw qaran, cagtana la marinayo. Seddax tijaabo ayaa inqilaabkaas ka hor istaagi karta.

1-  In ragga xilalka haya, gaar ahaan kuwa isaga la jira, gacanta qabtaan, dalkana  badbaadiyaan.

2- In ajnabiga uu dhabarkooda ku dangiigo ka diidaan.

3- In labadaasba dhici waydo; oo halka dagaal ee u dhimman uu ku quus qaato oo isaga iyo intii markii horaba u diiddaneyd foodda is daraan.

Seddaxdaas tallaabo siday u kala horeeyaan ayey u kala dhib yaryihiin, una kala sumcad fiican yihiin.

Farmaajo wuxuu aaminay in borobagaandada CBB, ciidanka uu  cid walba kula duulayo iyo lacagta uu ku iibsanayo taageerada dadka qaarkii in uu dalkoo idil ku qabsan karo. Waa halis dalkeena soo food saartay oo u baahan in aan iska badbaadinteeda wajahno.

Muqdisho-Somalia