Booliska UK oo Soomaaliya ku tilmaamay meel aysan cidna katalin kadib markii ay soo ifbaxday…

0

Booliska dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “meel aysan cidna ka talin” xilli uu ka digayay in colaada Ukraine ay fursad u noqoto “gacan ay ku koraan kooxaha argagixisadda ah”.

Kaaliyaha Taliyaha Bilayska UK, Matt Twist, ayaa rumeysan in kooxaha argagixisadda ah ay “ka macaashi karaan hubka iyo rasaasta lagu adeegsanayo duulaankan uu Ruushka ku qaadey dalka ay dariska yihiin.

Twist ayaa intaas ku daray in laamaha ammaanka Boqortooadda iyo wadamadda kale ee saaxiibadda la ah ay sameynayaan “wax kasta oo ay uga hortagayaan dagaalkan oo ah caqabad caalami ah”.

“Duulaanka Ruushka kaliya ma ahan caqabad caalami ah. Balse wuxuu halis ku yahay meelaha aysan jirin cid maamusha oo ay kamid yihiin Afgaanistaan, Suuriya iyo Soomaaliya,” ayay kasoo xigatay Daily Mirror.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Twist ayaa carabka ku adkeeyay in ay aad uga feejigan yihiin “talaabooyin aargoosi ah oolaga yaabo in Moscow ay ku beegsato shaqsiyaad Britain ah sababo ku aadan xayiraadaha dhaqaale”.

Dhawaqa booliska Ingiriiska ayaa imaanaya iyadoo Ukraine ay ka socoto afti horseedi karta in Moscow ay la wareegto boqolkiiba 15 dhulka dalkaasi, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda.

Codbixinta gobollada bari ee Luhansk, Donetsk, Kherson iyo Zaporizhzhia ayaa billaabatay Jimcihii todobaadkan iyadda oo reer galbeedka ay ku tilmaamay “afti been abuur ah”.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Putin ayaa waxay ku dhawaaqday natiijooyin xiligooda kasoo horumaray, iyadoo sheegtay in dhammaan gobollada ay u codeeyeen ugu yaraan 97 boqolkiiba in Ruushka lagu daro.