Booliska oo Shaaciyey inay qabteen rag caawa weerar ka geystay Muqdisho

0

Hay’adaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin caawa Bambo gacmeed ku weeraray xarunta Waaxda Taleex ee Degmada Hodan.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa qabtay nin kale oo Bambo gacmeed ku weeraray fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha.

Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo hawlgalkan ku amaantay Booliska ayaa sheegtay in sharciga la horgeyn doono raggan loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

“Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhaqarqabe bam ku soo tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan, sidoo kale waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan dhagarqabe kale oo isla caawa bam ku tuuray suuqa Bakaaro ee Degmada Hawlwadaag.” ayay tiri Taliye Zakiya.

Taliska Booliska ayaa maalmahan dambe sheegayay inay qabteen shaqsiyaad dilal iyo qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, balse ma jirto ilaa hadda cid la soo bandhigay ama sharciga la horkeenay.