Home WARARKA BIGNEWS: Soomaaliland Oo Ugu Dambeyn Sanduleys Ku Aqbashay Codsi Ka Yimid DP...

BIGNEWS: Soomaaliland Oo Ugu Dambeyn Sanduleys Ku Aqbashay Codsi Ka Yimid DP World

0
SHARE

Maamulka Soomaaliland ayaa war kasoo saaray codsi uga yimid shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera.

Shirkadda DP World ayaa ka codsatay Maamulka Soomaaliland in sare loo qaado lacagaha laga qaado Ganacsataa adeegsata dekedda Berbera.

Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ah wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Soomaaliland ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ahi oo ay ka qaadaan alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jireen qiimaha bangiga dhexe ee Soomaaliland.

Wasiir Saajin ayaa ganacsatada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega wax uu amar ku siiyay in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun ay arrintaan diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE