Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa usoo magacawday mudane, Axmed Jumca inuu noqdo safiirka u fadhin doona dalka Soomaaliya.
Safiir, Axmed Jumca ayaa ka mid ahaa dhowr safiir oo shalay ka hor dhaartay madaxweynaha dalkaas si ay gutaan howlaha cusub ee loo igmaday.
Madaxweynaha dalka Imaaraadka , Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Ilaah la garab galo shaqadiisa cusub, isagoo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee Imaaratka iyo Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bedeshay safiirkeedii u joogay Soomaaliya, kaas oo joogay 7-dii sanno ee lasoo dhaafay, si weyna u dhexgalay arrimaha gudaha ee Soomaalida, isagoo ahaa Sarkaal-howlgab ciidan ahaa, balse loo soo diray Soomaaliya.
Hadda waxaa lamagacaabay Axmed Jumca Rumeythi, oo laga soo xulay Hay’adda Sirdoonka ee Imaaraadka Carabta, waxaana uu tagayaa Soomaaliya oo uu sii wadi doonaa shaqada dawladdiisa ay kaleedahay gudaha Soomaaliya.