Beesha Caalamka Oo ka digeysa Dagaal ka dhasha Doorashada Soomaaliya

0

War-saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya Waxey carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada

Waxey si gaar ah u sii adkeynayaan in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada.

Waxey ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.