Beesha Caalamka oo bayaan kulul ka soo saartay shirka Afisiyooni xili wax natiijo ah aan laga heyn

0

Qoraal goor dhaw ka soo baxay xubnaha Beesha Caalamka ee ku mideysan Qaramada Midoobay ayaa waxa ay si kulul uga hadleen heshiis la’aanta madaxda Soomaalida iyagoo sheegay in waqtiga uu socdo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqay iney soo dhaw dahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan islamarkana ay tahay iney madaxda muujiyaan dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Warkan ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu xusay muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada  waxaana ay ku boorriyeen  in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember.

“Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo doorasho lagu kalsoonaan karo oo daahfuran “Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta  iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto”

Hadalka wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku soo aadaya xili uu maanta baaqday shirkii ay u ballansanaayeen madaxda dowladda Federalka iyo kuwa  maamul Goboleedyada maadama uu safar uga maqanyahay caasimadda Muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmad Qoor Qoor.

Muqdisho-Somalia