Barakac xoog leh oo caawa ka socda caasimada galmudug ee Dhuuso mareeb

0

Wararka caawa inaga soo gaaraya caasimada galmudug ee dhuuso mareeb ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ay soo wajahday bulshada ku dhaqan halkaasi.

Dadka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda xaafadaha dhuuso mareeb kadib xiisad ka dhalatay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo la dareemayey saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidanka dawlada iyo kuwa galmudug oo isku dhinac ah ayaa diyaarsaday dhufeysyo cusub si ay uga hortegaan duulaan laga cabsi qabo in Ahlusuna ay ku qaado dhuuso mareeb.

Xoogga Ahlusuna ayaa waxay qorsheenayaan sida la sheegay weerar ay ku qabsadaan Guriceel iyo Dhuuso mareeb iyadoo shacabku ay ubarakacayaan si ay uga bad baadaan in lagu dul dagaalamo oo ay waxyeelo usoo gaarin.

Dhinaca kale maanta waxaa ka dhacay dhuuso mareeb shir amniga looga hadlayey oo saraakiisha ciidanka howlgalka ATMIS ay qeyb ka ahaayeen shirka.

Ciidanka ATMIS waxay ballan qaadeen inay qeyb ka noqon doonaan difaacida magaalada caasimada ah ee dhuuso mareeb oo ay dawlad gobolleedka Galmudug ku shaqeyso.