Home WARARKA Baraha Bulshada ee Facebook iyo Instagram oo Caawa Cilad guud qabsatay &...

Baraha Bulshada ee Facebook iyo Instagram oo Caawa Cilad guud qabsatay & War laga soo saaray…

0
SHARE

Baraha bulshada ku xiriirto ee caalamiga ah ayaa caawa cilad qabsatay markii ay shaqeyn waayeen FACEBOOK iyo INSTAGRAM oo ah laba shirkadood oo la isla leeyahay.

Ciladan ayaa degdeg isugu bedeshay mid caalami ah, waxaana shaqeyn waayey qoraaladda iyo sawirrada lasoo dhigo Facebook iyo adeegga la xiriira ee Messenger-ka, waxaa kaloo dadku awoodi waayeen inay farriio ama sawirro isugu diraan Instagram.

Lama shaacin ciladda qabsatay, laakiin shirkadda Facebook ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay ka war heyso ciladda dadka qaar ay kala kulmayaan inay galaan website-ka Facebook ama App-kiisa, waxayna intaas ku dartay inay shaqo ka hayaan oo sida ugu dhaqsiyaha badan loo hagaajin doono.

Facebook ayaa hawada ku jira isagoo si caadi ah website-ka u soo bandhigaya qoraalladii iyo muuqaaladii hore, laakiin waxay dadku awoodi waayeen inay farriin ku daabacaan.

Dadka sida ba’an u adeegsada baraha bulshada ayaa u wareegay Twitterka, halkaasoo hal-kudehgyada ah #Facebookdown iyo Instagramdown ay caawa noqdeen kuwa ugu badan ee lagu hadal hayo.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE