BALADWEYNE: Maxaa sababay amaan daridda magaalada iyo dhaartii Gudoomiye Cali Jeyte?

0

BALADWEYNE: Magaalo taariikh iyo magac ku dhex leh gayiga Somaalida balse qarniga 21-aad ay dadkedu wajahayaan Qatar amni kadib markii shanti bilod ee u danbeysay ku dhawaad 100 qof lagu dilay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada, waa bilowga warbixintan oo aynu ku eegi doona xaalada amaan ee Baledweyne.

Dadka sida weyn looga yaqiinay magaalada oo ay galaafatay amaan xumida ka jirta Baledweyne waxa kamid ah, allah u gudoomiyihii hore waxbarashada gobalka hiiraan macalin Cismaan Cilmi Muxumed Caato, Nabadoon Cabdi Xuseen Colow, taliyihii hore ee saldhiga booliska Baledweyne laba xidigle Maxamed Xuseen Duurdage oo lagu dhex dilay saldhigii uu ka ariminayay, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo siweyn looga yaqiin dalka, iyo dilalkii ugu danbeyay oo 24 kii iyo 30 kii may loo geestay Cali Macalin Maxamud (Cali Dheere) iyo wiil dhalinyera ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdulle Xuseen, waxana arinka Baledweyne u muuqdaa Tacsi tacsi lagu sugo.

In kastoo gudoomiyaha gobalka Hiiraan cali Jeyte oo Baledweyne dib ugu laabtay 31 kii bishii tagtay uu wacad ku maray inaysan jiri doonin tacsi danbe, hadana xildhibaan Axmed Saney Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle waxa uu sheegaya inaysan wada shaqeyn laamaha amaanka Baledweyne, ciidamada ATMIS, maamulka magaalada iyo shacabka taasina ay tahay sababta keentay inuu mesha ka baxo amaankii Baledweyne.

HALKAN HOOSE KA DAAWO: