Home WARARKA Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Go’aan Culus Ka Gaaray Wasiirada Lasoo Magacaabayo &...

Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Go’aan Culus Ka Gaaray Wasiirada Lasoo Magacaabayo & Taakada Ay Dhigeen

0
SHARE

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland Ayaa Maanta Ansixiyay In Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu yeelan Doono maamulkaasi Ay Noqdaan Kuwo Si Wadar Ah Loo Ansixiyo.

Kadib Kulan Ay Maanta Ku Yeesheen Magaalada Garowe Xuldhibaano Katirsan Maamulka Puntland Islamarkaana Tiradooda Lagu sheegay 27-Xildhibaan ayey go’aan ku gaareen meel marinta Xeerkaasi.

Iyadoo ay 24 Xildhibaan codeeyeen in Wasiirada loo magacaabo qaab wadajir ah halka ay 3—xildhibaana ka aamuseen kal fadhigaas.

Sikastaba ha’ahaatee waxay arintani kusoo aadeysaa xilli lawada sugayo Golaha Wasiirada cusub ee uu so magacaabi doono Saacadaha soo aadan madaxwayne Saciid Cabdullaahi Dani oo dhawaan loo doortay Hogaanka Maamulka Puntland.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE