Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Maanta Ku Yeeshay Kulan Xasaasi Ah

0

Kulankii ugu horeeyey Ee Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Koonfur Galbeed ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo Janaay Ee Gobolka Bay.

Dhawaan ayaa lasoo bandhigay Liiska Xildhibaanada 95 Mudane islamarkaana la tilmaamay in ay ahaayeen kuwo saluug badan laga keenay qaabka loo soo xulay.

Wararka waxay sheegayaan in Gudi 15 Xubnood ka kooban ay Xildhibaanada kasoo xuleen ayaana la meel mariyey si ay unoqdaan gudiga Diyaarinta Gudoonka Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

11 Rag ah iyo Afar Dumar ah ayeyna ka kooban yihiin Gudiga la ansixiyey si ay unoqdaan kuwa soo diyaarinaya Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.