Home WARARKA Baar Ku Yaalla Dalka Mareykanka Oo Weerar Culus Lagu Qaaday & Toogashada...

Baar Ku Yaalla Dalka Mareykanka Oo Weerar Culus Lagu Qaaday & Toogashada Ardayda Oo Gaareysa…

0
SHARE

Kudhawaad 11 Qof ayaa la toogtay kadib weerar lagu qaaday Baar lagu caweeyo oo ku yaalla Gobolka California Ee Dalka Mareykanka.

Mar keliya ayaa la maqlay Rasaas ku hoobaneysa Baarka oo ku yaalla Deegaanka lagu magacaabo Ventura,xilligaas waxaa kusugnaa arday wiilal iyo gabdho iskugu jiray.

Baarka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Borderline,waxa uu udhaw yahay Magaalada Thousand Oaks,dhinaca galbeed ayuu 50KM u jiraa Los Angales.

Telefishinka Al Jazeera ayaa duhurnimadii maanta baahiyey in dadka la toogtay oo Arday ubadan dhaawacooda loola cararay Cusbitaal ku yaalla Magaalada ay wax ka dhaceen.

Sargaal u hadlay Booliska Ventura oo la yiraahdo Garo Kuredjian ayaa saaka shir jaraa’id uu qabtay waxa uu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay kooxda weerarka fulisey u beegsadeen Baarkaasi.

Waxaa Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE