Axmed Madoobe Oo Xasan Sheekh Shir Shaki abuuray la yeeshay

0

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Waxay si qoto dheer uga hadleen labada mas’uul xaalad adalka uu marayo iyo sida ugu macquulsan ee marxalada lagu jiro looga gudbi karo.

Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa maalmahan noqday Marjaca looga arrinsado Marxalada kala guurka ee uu dalku galay, iyadoo ay ka dhaceen kulamo siyaasadeed oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.